HirShabelle oo soo afmeertay doorashadda Aqalka Sare

Image
Laba Senator cusub ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu doortey magaaladda Jowhar.

JOWHAR, HirShabelle - Baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta wuxuu u coddeeyay laba kursi oo ka haray xubnaha ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah kuraastan ayaa dib loogu coddeynayaa maadaama uu kal hore buuq hareeyay. Wadarta maamulkan ku leeyahay Senate-ka waa 8 wakiilo.

Cali Shacbaan Ibraahim ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii uu 62 cod kaga adkaadey wareegii labaad musharaxii la tartamayay Cabdulqadir Xanafi oohelay 24 cod.

Zamzam Cabdullahi ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib markii ay 77 cod kaga guuleysatey musharaxii la tartamaysay Naciimo Ibraahim oo hore ugu fadhiday kursigan ooheshay 8 cod.

Dhanka kale, Baarlamaanka HirShabelle ayaa Isniinta maanta ah anshax-mariyey mudaneyaashii fowdada ku carqaladeeyay kulankii doorashada Senators-ka ee qabsoomay 18-dii September.

Xildhibaanada oo gaaraya shan ayaa afar kamid ah laga joojiyey ka qeybgalka laba kalfadhi iyo gunada kal-fadhiyadaas, halka mid kamid ah laga hakiyey hal kal-fadhi iyo gunada kulankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM