HirShabelle oo “wadatashi” u balanqaadey Xildhibaanada ku mata federaalka

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu guux siyaasadeed ka jiro baarlamaanka federaalka kaas oo ay gadaal ka riixayaan mucaaradka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle ayaa caawo munaasabad casho-sharaf ah kala qeyb galay wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo Jowhar u yimid ka qeyb galka furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Xubnaha labada aqal ee BJFS ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle safarkii dheeraa iyo horumarada uu ka sameeyay deegaanada iyo degmooyinka laga xorreeyay Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa intaas ku daray “Taladiina, wada-tashigeena iyo wadajirkeena ayaa horumar noo ah, Isku-duubni aan ugu dhaqaaqno xorreynta Galbeedka.”

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa berri si rasmi ah u furi doono Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM