Hogaamiyaal Al-Shabaab oo Liiska 'Argagaxisada' lagu daray [Magacyada]

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagaxisada ku dartay labo hogaamiye oo katirsan Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida.

Axmed Iimaan Cali, oo ah hogaamiyaha Al Shabaab u qaabilsan Kenya iyo Cabdifitaax Abubakar Cabdi, oo la rumaysan yahay inuu ka dambeeyay weeraradii deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya 2014.

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu aqoonsaday labada xubnood inay yihiin argagaxiso caalami ah, oo khatar ku ah amniga Mareykanka iyo danahiisa gobolka Geeska Africa.

Maraykanku ayaa sheegay in Axmed Iimaan Cali uu agaasimay hawlgallada ururka ee gudaha Kenya, iyo inuu maleegay weerarkii Ceel-Cadde ee gobolka Gedo January 2016 kaasi oo lagu dilay Askar Kenyan ah.

Dowladda Kenya ayaa horey Liiska Argagaxisada ugu dartay Cabdifitaax Abubakar Cabdi kadib weerarkii Mpeketoni, kaasi ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof, iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa fulisay weeraro waaweyn oo dalal ku yaalla geeska Africa, gaar ahaan Kenya iyo Uganda oo kamid ah wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.

Al Shabaab ayaa lagu tilmaamay inay tahay Koox halis ku ah amniga gobolka, iyadoo Mareykanka uu duqeyn uga dilay hogaamiyaal sare, oo uu kamid ahaa Axmed Godane, oo ahaa Amiirka Kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM