Hogaamiyaal Al-Shabaab oo Liiska 'Argagaxisada' lagu daray [Magacyada]

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagaxisada ku dartay labo hogaamiye oo katirsan Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida.

Axmed Iimaan Cali, oo ah hogaamiyaha Al Shabaab u qaabilsan Kenya iyo Cabdifitaax Abubakar Cabdi, oo la rumaysan yahay inuu ka dambeeyay weeraradii deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya 2014.

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu aqoonsaday labada xubnood inay yihiin argagaxiso caalami ah, oo khatar ku ah amniga Mareykanka iyo danahiisa gobolka Geeska Africa.

Maraykanku ayaa sheegay in Axmed Iimaan Cali uu agaasimay hawlgallada ururka ee gudaha Kenya, iyo inuu maleegay weerarkii Ceel-Cadde ee gobolka Gedo January 2016 kaasi oo lagu dilay Askar Kenyan ah.

Dowladda Kenya ayaa horey Liiska Argagaxisada ugu dartay Cabdifitaax Abubakar Cabdi kadib weerarkii Mpeketoni, kaasi ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof, iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa fulisay weeraro waaweyn oo dalal ku yaalla geeska Africa, gaar ahaan Kenya iyo Uganda oo kamid ah wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.

Al Shabaab ayaa lagu tilmaamay inay tahay Koox halis ku ah amniga gobolka, iyadoo Mareykanka uu duqeyn uga dilay hogaamiyaal sare, oo uu kamid ahaa Axmed Godane, oo ahaa Amiirka Kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM