Hogaamiyaasha Al-shabaab oo billaabey inay ka baxaan Gobalka Shabeellaha Hoose

Image

AWDHEEGLE, Somalia - Hogaamiyaasha sare ee Kooxda Al shabaab ayaa billaabey inay isaga cararaan deegaannada ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeellaha hoose, kadib dilkii Askariga katirsanaa ciidamada Mareykanka.

Mas'uul katirsan maamulka gobolka, ayaa GO u sheegay in Al-shabaab xalay illaa saaka ay ka baxeen dhowr deegaan oo ay kamid yahiin Jilib, Marka iyo Gandiirshe oo ku dhaw Deegaanka Lambar-konton.

Horjoogayaasha baxsadaya ayaa la sheegay in qaybtood tageen deegaanka Aw-dheegle ee Shabeellaha hoose, oo ah meel aan ka fogeyn deegaankii lagu dilay Askarigii Mareykanka ahaa.

Askarigan oo katirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Navy SEAL-ka ayaa lagu dilay habeenkii khamiista deegaanka Bariire, oo 60KM galbeed uga beegan Muqdishu.

Askariga oo lagu magacaabi jirey Kyle Milliken, oo 38 jir ahaa ayaa ku dhintey howlgal gaar ah oo ciidamada Navy SEAL ay ku dili rabeen hogaamiye sare oo katirsana Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Bariire.

Kyle Milliken oo kasoo qeyb-qaatey howlgalkii lagu dilay Hogaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Laden May, 2011, ayaa lagu dilay dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidamada Mareykanka.

Tallaabadaas ayaa keentay in Maraykanku wacad ku maro inuu weeraro cirka ah la beegsan doono fariisimada Al Shabaab ee Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM