Hogaamiyaha SSC-Khaatumo oo ka warbixiyay dagaaladii Sool

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa ka hadlay weeraradii ay ciidamada Somaliland dhawaan ku qaadeen magaalada Laascaanood.

Hogaamiyaha waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland oo qaab beeleed u abaabulnaa uu jab taariikhi ah kala kulmay saldhiga Goojacade.

“Natiijadii dagaalkii ugu dambeeyay ee socday muddo lix saacadood ah, maamulka SSC-Khatumo wuxuu la wareegay gacan ku haynta dhowr saldhig ciidan oo ku yaalla Gobolka Sool.” ayuu intaas raaciyay.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa Somaliland laga furtay gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah, waxaana sidoo kale lagu soo qab qabtay maxaabiis badan oo qaarkood ay dhaawac yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loola dhaqmi doono si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, inkastoo laga aamisan yahay taliyeyaasha gacanta lagu hayo qaarkood inay galeen dambiyo dagaal.

Hogaamiyaha ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Puntland taageerada ciidan iyo saadkaba, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee diiday dambiyada uu ku kacay Muuse Biixi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM