Hogaamiyayaasha dalka oo isagu imaaday Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxda Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Booqashadooda ayaa ku wajahneyd in ay la kulmaan Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha JFS oo hoggaaminaya howlgallada lagu ciribtirayo kooxda ‘AS’ ee ka socda Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa intii uu socday Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Guddiga Baarlamaanka u gudbiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ka soo hooyeen dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyeyaasha labada aqal waxay ku ammaaneen Madaxweyne Xasan Sheekh doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay dagaalka. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin hal cadow oo khatar ku ah jiritaankooda, ayna lagama maarmaan tahay in dalka oo dhan laga ciribtiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM