Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab 12 sano oo isku soo dhiibay DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho kusoo bandhigtay nin ay sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab, oo muddo 12-sano ah kasoo mid ahaa, iyadoo ugu dambeyn laamaha amniga DFS isku soo dhiibay.

Cabdiraxamaan Xuseen Wardheere, oo xoogaga Shabaab looga yaqiinay “Bilaal” oo ka hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay inuu ka shalay-nayo wixii shacabka ugeystay inuu Shabaabka ahaa.

Wuxuu carabka ku dhuftay in ficilada ay Al-Shabaab sameyneyso ay yihiin kuwa “naxariis darro ah” isaga oo waydiistay Shacabka Soomaaliyeed inay ka saamaxaan waxyeelo walba oo uu ugeystay.

Wardheere ayaa ku nuux-nuux saday in go’aanka uu isku soo dhiibay uu qaatay markii uu arkay in wadada uu ku socdo ay tahay “mid qalad ah” islamarkaana uu ka faa’ideysanayo baaqa Madaxwayne Farmaajo ee cafiska ah.

“Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed I cafiyaan. Waxaan doonayaa inaan inaga oo ka faa’ideysanaya cafiska uu Madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay aan shaaciyo inaan kasoo baxay Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Kooxda xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda ee Al-Shabaab wali dhinacooda kama aysan soo jawaabin hadalada kasoo yeeray Wardheere.

Tan iyo markii uu Madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay inuu cafis ufidiyay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ayaa waxaa banayay tirada isa soo dhiibaysa, inkasta oo ay jiraan walaacyo arrintaas laga muujiyay.

Warbixin caalami ah oo dhawaan soo baxday waxaa lagu sheegay inay jiraan xubno aanan fikrad ahaan si toos ah uga tanaasulin aragtida Al-Shabaab, laakiin isa soo dhiibistooda ay ka dambeyso qorshe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM