Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab 12 sano oo isku soo dhiibay DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho kusoo bandhigtay nin ay sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab, oo muddo 12-sano ah kasoo mid ahaa, iyadoo ugu dambeyn laamaha amniga DFS isku soo dhiibay.

Cabdiraxamaan Xuseen Wardheere, oo xoogaga Shabaab looga yaqiinay “Bilaal” oo ka hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay inuu ka shalay-nayo wixii shacabka ugeystay inuu Shabaabka ahaa.

Wuxuu carabka ku dhuftay in ficilada ay Al-Shabaab sameyneyso ay yihiin kuwa “naxariis darro ah” isaga oo waydiistay Shacabka Soomaaliyeed inay ka saamaxaan waxyeelo walba oo uu ugeystay.

Wardheere ayaa ku nuux-nuux saday in go’aanka uu isku soo dhiibay uu qaatay markii uu arkay in wadada uu ku socdo ay tahay “mid qalad ah” islamarkaana uu ka faa’ideysanayo baaqa Madaxwayne Farmaajo ee cafiska ah.

“Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed I cafiyaan. Waxaan doonayaa inaan inaga oo ka faa’ideysanaya cafiska uu Madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay aan shaaciyo inaan kasoo baxay Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Kooxda xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda ee Al-Shabaab wali dhinacooda kama aysan soo jawaabin hadalada kasoo yeeray Wardheere.

Tan iyo markii uu Madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay inuu cafis ufidiyay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ayaa waxaa banayay tirada isa soo dhiibaysa, inkasta oo ay jiraan walaacyo arrintaas laga muujiyay.

Warbixin caalami ah oo dhawaan soo baxday waxaa lagu sheegay inay jiraan xubno aanan fikrad ahaan si toos ah uga tanaasulin aragtida Al-Shabaab, laakiin isa soo dhiibistooda ay ka dambeyso qorshe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM