Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka xoogga dalka, qeybta 60-aad ee ka howlgala degaanada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay Maanta soo bandhigay Sarkaal kasoo goostay Kooxda Al-Shabaab.

Hogaamiyahan oo magaciisa ku sheegay Aadan Shiiniyow Ibraahim ayaa kamid ahaa Al-Shabaab mudo 10 sano ah, isagoo kasoo dagaalamay Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan, wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka dejiya howlgallada Kooxda.

Intii uu kamid ahaa Al-Shabaab, wuxuu sheegay inuu la kulmi jiray Cali Dheer, oo ah Afhayeenka Al-Shabaab iyo Faud Shongole, kuwaasoo lagu tiriyo inay yihiin lafdhabarta Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida ee dagaallada ka wada Soomaaliya mudo ka badan 10 sano.

Al-Shabaab kama aysan hadlin Sarkaalka kasoo goostay, mana ahaan wax ku cusub dhegaha shacabka arintan. Mukhtaar Roobow oo isa soo dhiibay 2017 ayaa xabsi loo taxaabay.

Mudooyinkii dambe waxaa soo badanayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya, waxaana xusida mudan in qaarkooda ay ujeedooyin qarsoon usoo galaan nidaamka dowladnimada, kadibna fuliyo qorshooyin loo soo diray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM