Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka xoogga dalka, qeybta 60-aad ee ka howlgala degaanada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay Maanta soo bandhigay Sarkaal kasoo goostay Kooxda Al-Shabaab.

Hogaamiyahan oo magaciisa ku sheegay Aadan Shiiniyow Ibraahim ayaa kamid ahaa Al-Shabaab mudo 10 sano ah, isagoo kasoo dagaalamay Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan, wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka dejiya howlgallada Kooxda.

Intii uu kamid ahaa Al-Shabaab, wuxuu sheegay inuu la kulmi jiray Cali Dheer, oo ah Afhayeenka Al-Shabaab iyo Faud Shongole, kuwaasoo lagu tiriyo inay yihiin lafdhabarta Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida ee dagaallada ka wada Soomaaliya mudo ka badan 10 sano.

Al-Shabaab kama aysan hadlin Sarkaalka kasoo goostay, mana ahaan wax ku cusub dhegaha shacabka arintan. Mukhtaar Roobow oo isa soo dhiibay 2017 ayaa xabsi loo taxaabay.

Mudooyinkii dambe waxaa soo badanayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya, waxaana xusida mudan in qaarkooda ay ujeedooyin qarsoon usoo galaan nidaamka dowladnimada, kadibna fuliyo qorshooyin loo soo diray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM