Hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo "u geeriyooday" Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shaaca ka qaadey in hogaamiyeyaal ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ay u geeriyoodeen safmareenka khatarta badan ee Coronavirus.

Dagvin Anderson, taliyaha howlgaladda gaarka ah ee AFRICOM, ayaa warbixin uu siiyey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka wuxuu daboolka kaga qaadey in musiibadaas ay saameysay kooxda hubeysan.

Warbixintiisa ayaa si gaar ah u khuseysay howlgaladooda la dagaalanka iyo hoos-u-dhigadda awooda argagixisada, si lamid ah nabad iyo barwaaqo kusoo dabaalida qaaradda ay ku sugan yihiin ee Afrika.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida oo guddi u saartay dabagalka xaaladaha ka dhashay Covid-19 ayaa horey u sheegtay in xanuunka uu kaliya halis u yahay "gaaladda"; arrintaas oo muuqata in ay ka dabceen.

Isagoo ka jawaabaya sheegashadda kooxda ee ah in cudurka kaliya uu dilayo "gaalada," Anderson ayaa yiri "Balse, wali waxaan arkeynaa qaar kamid ah hogaamiyeyaashooda oo kaliya uusan soo ridaneyn Covid, balse ay [qaar] u geeriyoodeen".

Gaashaanlahaan Sarre ayaanan soo bandhigin tiradda horjoogeyaasha uu Al-Shabaab ka galaaftay xanuunka iyo magacyadooda.

Marka laga soo tago sheegashadda AFRICOM, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa haatan kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Anderson ayaa walaac ka muujiyey in Al-Shabaab ay xasilooni darro u horseedo Geeska Afrika "maadaama shabakada ay gacansaarka la leedahay ee Al-Qaacida ay joogitaan ku yeelaneyso qaarada".

Inkasta oo fariisinkooda ugu weyn uu yahay gobolka Jubadda Dhexe oo ay gacanta kuwada haayaan, Al-Shabaab ayaa si xoogan u joogta Shabeellaha Hoose, halkaasoo ciidamo huwan ah isu kaashadaan baacsigoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM