Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka arrin-saday "iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah".

War-saxaafadeedka oo aad u kooban kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa nan lagu caddeynin dhanka uu ka yimid wicitaanka ama lahayd codsiga wadahaladalka

"Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna," ayaa lagu yiri bayaanka oo lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyada.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankan dhanka isgaarsiinta ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay Madaxtooyadda Turkiga si lamid ah Erdogaan.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa inta badan kulamadooda ku yeelanaya qaabka casriga ah ee online-ka sababo la xiriirta cabsida faafitaanka Coronavirus oo dunida heegan geliyey.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kamid ah wadamada xaqiijiyey kiisas la xiriira fayruskaas safmareenka ah. Xukuumadda Ankara waxay bil walba Muqdisho siisaa 1.5 milyan oo Doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM