Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadal yeeshay

Image
Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa wadahadalkooda telefoonka kusoo qaadey "faragelinta iyo xadgudubka Itoobiya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka waxa uu kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Ordogan uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

"Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya," ayay raacisay Villa Soomaaliya.

Ordogan iyo maamulkiisa waxay ay ka dhiidhiyeen talaabada Itoobiya ay heshiiska kula gashay Somaliland waxaana ay soo jeediyeen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Muqdisho iyo Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM