Hogaamiyeyaasha Soomaaliya oo shir uga bilowday Muqdisho

Image
Waa markii labaad uu Saciid Deni kamaqan yahay shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda.

GAROWE, Puntland - Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayo Xaalada guud ee Dalka ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ka bilowday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa mar kale sababo uusan sharaxin uga maqan is-arragan muhiimka ah.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed kooban kasoo saartey kulankan ayaa shaaca ka dhigtey in ajandaha kulanka ay qeyb ka tahay "dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran".

"Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)," ayaa lagu soo xiray kulanka.

Waa markii labaad uu Saciid Deni kamaqan yahay shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda. Beesha Caalamka ayaa horey waanisay inuu madasha ka sheego waxa uu ka tabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM