Hogaamiyihii Daacish ee Koonfurta Soomaaliya oo nolosha lagu qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa gacanta ku dhigtay madaxii kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay hay'adaha amniga.

Cabdiqani oo magacyo kale looga dhex-yaqaano kooxdaas ayaa la tilmaamay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamaddu ka fuliyeen degmada Howlwadaag, taariikhdu markii ay ahayd 12-ka April, 2020-ka.

Howlgalkaas oo sababay iska hor-imaad waxaa lagu dhaawacay mid kamid ah dableydii la socotay, waxaana hay'adaha nabad-gelyadda la sheegey in ay hayeen macluumaadka Cabdiqani iyo xubnihii wehliyey.

"Waxay damacsanaayeen in falal liddi ku ah ammaanka ay ka fuliyeen caasimadda, waxaana ka hortegay ciidamadda," ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday.

ISIL ayaa ku dhuumaaleysata buuraleyda Golis ee Puntland, balse sanadihii u dambeeyay waxay qorsheysay in ay fariisimo iyo dagaalameyaal ay ku yeelato Muqdisho si ay u balaariso howlgaladeeda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa horey u soo qabtay xubno ka tirsan maleeyshiyaadkaas uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin, oo kasoo goostay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku xoogan koonfurta Soomaaliya. Amiirkooda waa Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, kaas oo cod uu soo duubay sanadkii hore xili ay jireen warar isa soo taray oo sheegay in uu caafimaadkiisa aad u liito.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM