Hogaamiyihii Macawisleyda oo helay Xil dowladeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan u magacaabey Madaxa Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda)
.
Cali Jeyte ayaa dhwaan isku magaacaabay madaxweynaha maamul oo ugu magacdaray Hiiraan State, isaga oo ka cabanaya xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Jeyte ayaa ku guuleystey xorreynta bariga gobolka Hiiraan inta uu gudoomiye ka ahaa gobolkaas.

Khilaaf maaliyadeed oo kala dhaxeeyay maamulka Hirshabelle ayaa keenay in xilka laga qaado.

Cali Jayte ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah AS ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay degmada Maxaas.

GAROWE ONLINE

 

 

noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Khawaarijta kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogtay.

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM