Hogaan cusub oo loo magacaabay ciidanka Uganda ee AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Uganda ayaa taliye cusub waxay u soo magacowday ciidanka ka jooga Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM.

Jeneraal Richard Otto, hogaanka cusub, ayaa wuxuu bedelay Jeneraal Michael Kobango, oo sanado badan xilkaas hayey.

Otto ayaa xafiiska la wareegay Khamiistii kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta ay Muqdisho ka degan yihiin ee Xalane.

Isagoo ka hadlayey xaflad xil-wareejinta, Otto ayaa uga mahadceliyey sarkaalka uu bedelay shaqadda wanaagsan ee uu qabtay.

Kobango ayaa kula dardararmay taliyaha cusub in uu raaco shuruucda iyo nidaamka u degsan howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamadda Uganda ee xafladda joogtey ayaa hambalyo u diray hogaanka cusub, iyaga oo bogaadiyey taliyihii hore.

Uganda oo kamida dalalka cutubyada ugu badan ku leh AMISOM ayaa howlgalka kaga qeyb-qaadata boolis iyo milatari, waxayna askarteeda badanaa ay joogaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo xarunta UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM