Hogaan cusub oo loo magacaabay ciidanka Uganda ee AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Uganda ayaa taliye cusub waxay u soo magacowday ciidanka ka jooga Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM.

Jeneraal Richard Otto, hogaanka cusub, ayaa wuxuu bedelay Jeneraal Michael Kobango, oo sanado badan xilkaas hayey.

Otto ayaa xafiiska la wareegay Khamiistii kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta ay Muqdisho ka degan yihiin ee Xalane.

Isagoo ka hadlayey xaflad xil-wareejinta, Otto ayaa uga mahadceliyey sarkaalka uu bedelay shaqadda wanaagsan ee uu qabtay.

Kobango ayaa kula dardararmay taliyaha cusub in uu raaco shuruucda iyo nidaamka u degsan howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamadda Uganda ee xafladda joogtey ayaa hambalyo u diray hogaanka cusub, iyaga oo bogaadiyey taliyihii hore.

Uganda oo kamida dalalka cutubyada ugu badan ku leh AMISOM ayaa howlgalka kaga qeyb-qaadata boolis iyo milatari, waxayna askarteeda badanaa ay joogaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo xarunta UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM