Hogaanka Ahlu Sunna oo faarujiyey magaaladda Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka ugu sareeya maamulka Ahlu Sunna ayaa gebi ahaanba isaga baxay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo ku dhow xukuumadda.

Xubnaha ka hayaamay magaaladda ayaa waxaa kamid ah; Sheekh Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, aas-aasaha ururkaas iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxa xukuumadda dowlad goboleedkaas.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in xubnahan oo ay wehliyaan cutubyo ciidamo aad u hubeysan ay degaan ka dhigteen tuulo duleedka ka ah Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ku sugan yihiin.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay faarujinta xarunta gobolka Galgaduud, balse waxay imaaneysaa ka gedaal markii Ahlu Sunna dhexdeeda ay soo kala dhex-gashay kala qeyb-sanaan weyn.

Daraf kamid ah ururkan ayaa taageeray dedaaladda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado Dhuusamareeb oo uu kamid yahay Shirka Dib-uheshiisiinta, halka garabka kale uu kasoo horjeestay.

Xogta la helayo ayaa muujineysa in arrimaha ismaadhaafka keenay ay qayb ka tahay sugitaanka amniga Dhuusamareeb, halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay dowladdu ciidamo dheeraad ah daabushay.

Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay ka baxday qodobadii ay ku heshiiyeen, wallow aysan si faahfaahsan uga shaacin arrimahaasi.

Dhinaca kale, warar soo baxay saacadihii hore ee Talaada maanta ah ayaa tibaaxaya in ciidamo ka socday AMISOM gaar ahaan qaybta Jabuuti laga hor istaagay in ay galeen gudaha Dhuusamareeb.

Xoogaga Midowga Afrika oo kasoo baxay Beledwayne ayaa waxaa lagu hakiyey duleedka Matabaan, halkaasi oo ku joojiyeen maleyshiyaad taabacsan Macalin Maxamuud, wallow uu u socdo waan-waan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM