Hogaanka taliska NISA oo la dalbadey in dib u habeyn lagu sameeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyaddoo dalka ku jiro jahwareer siyaasadeed ayaa caddeynaya fashilka hogaanka nabad-sugida, sidda uu sheegay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyay hogaanka sirdoonka.

Dalabka wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday qarax iyo mid toos ah ay ku ekeysay huteelka Elite oo ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho.

Warsame oo u tacsiyeeyay ehelada dadkooda ku waayey dhacdadaas ayaa shaaca ka qaadey in uu si xoogan u cambaareynayo.

"Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka ay kooxda argagexisada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Elite. Allaha u naxariisto dadkii ku nafwaayey, Allahana caafiyo intii ku dhaawacantay," ayuu soo qoray.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Maalmahan danbe weerarrada iyo qaraxyada argagexisada way sii kordhayaan. Way cadahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda".

"Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA," ayuu kusoo xiray.

Weerarkii lagu qaadey Elite Hotel oo galaaftay nolosha 15 qof oo shan kamid ah ay yihiin argagixisada falka fulisay ayaa noqonaya dhacdadii afaraad oo kaliya bishaan August ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya.

NISA waxaa waqti xaadirkan madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, oo ah gacanta midig ee Farmaajo iyo shaqsi xiriir dhow la leh dowladda Qadar, taasoo maalgelisay ololihii madaxweynaha ee doorashadii qabsoontay ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM