Hogaanka maamulada taabacsan DF oo kororsi sameystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba kamid ah hogaanka maamuladda dalka ee u jaranjeera dowladda federaalka – Koonfur Galbeed iyo HirShabelle – ayaa sameystay muddo kororsi waxyar kadib markii ay xukunka qabteen.

20-kii April, 2020, baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa hal sano ugu daray xil-heynta madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] kadib mooshin ay gudbiyeen 30 mudane oo ku dhow Madaxtooyada maamulka.

Sidda uu ku dhawaaqay shir-guddoonka, mooshinkaas waxaa ogolaatay 87 sharci-dejiyeyaal kuwaasoo xaadiray kulankii Golaha Wakiiladdu yeeshay.

Kadib meelmarinta, qaar kamid ah mudaneyaasha u ololeeyay soojeedintaas ayaa sheegay in ay doonayeen in la mideeyo doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo waqtigaas kahor laba jeer kala qabsoomayey.

Ansixintaas ayaa timid iyadda oo Laftagareen uu xafiiska joogay sanad iyo bar. Doorashadiisa oo dhacdey 18-kii December, 2018 waxaa hareeyay is-qabqabsi iyo eedo musuqmaasuq markii dowladdu xirtay musharax Mukhtaar Roobow.

Roobow, mid kamid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab soona noqdey ku xigeenka Amiirka iyo afhayeenka maleyshiyada, ayaa tan iyo waqtigaas xabsi guri ku ah Muqdisho, wallow dhowr jeer fashilmeen wadahadalo lagu sii deyn lahaa.

Inta la xaqiijiyey tobban qof shacab ah oo uu ku jiro Xildhibaan kamid ahaa baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku naf-waayey rabashado ka dhashay xariga Roobow oo ka dhacay Baydhabo, xarunta ku meelgaarka maamulkaas.

Dhanka kale, maanta oo Arbaco ah 23-kii December, 2020, baarlamaanka HirShabelle ayaa muddo xileedkiisa iyo kan madaxweyne Cali Guudlaawe ka dhigay shan sano kadib mooshin aan la caddeyn cidda soo jeedisay.

Cabdixakiim Luqmaan, afhayeenka Golaha Wakiilada maamulkan fadhigiisu yahay Jowhar, ayaa tilmaamay in talaabadan ay u qaadeen si ay u kala weeciyaan doorashooyinka maamulkan iyo tan federaalka oo isku-sid-kanaa.

Madaxda haatan ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxaa doorashadooda gacan ku siisay Villa Soomaaliya oo ka damacsan in ay u soo saaraan xubno dib u doorta Farmaajo coddeynta sanadka 2020-21.

Dad badan ayaa is-waydiinaya hadii madaxweyne Axmed Qoor-qoor ee hogaamiya Galmudug uu ku dhaqaaqi karo talaabada saaxiibadiis taabacsan Villa Soomaaliya wallow ay degaankiisa uu ka duwan yahay maamulada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM