Hoobiyaal dad ku dhinteen oo lagu garaacey magalaada Muqdishu

Image

WASHINGTON. DC — Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay labo kalana waa ay kudhaawacmeen kadib marki ay sadex madfac duhurnimadi maanta ku habsadeen xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan oo ahaa hoobiyaal ayaa la sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa bar-koontarool oo ay ciidamada Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Wadajir.Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalaneayaa VOA u xaqiijiyay inhooyo iyo gabdheeda ay ku geeriyoodeen mid ka mid ahhoobiyayaasha oo ku dhacay guri ay daganaayeen. Saraakiisha Dowlada ma sheegin cid loo qabtay hoobiyayasha iyo meeshalaga soo tuuray intaba, hase ahaatee arintaan ayaa ku soo beegmeysaxilli shalay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in ay billaabeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

VOA

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM