Hoobiyaal dad ku dhinteen oo lagu garaacey magalaada Muqdishu

Image

WASHINGTON. DC — Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay labo kalana waa ay kudhaawacmeen kadib marki ay sadex madfac duhurnimadi maanta ku habsadeen xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan oo ahaa hoobiyaal ayaa la sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa bar-koontarool oo ay ciidamada Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Wadajir.Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalaneayaa VOA u xaqiijiyay inhooyo iyo gabdheeda ay ku geeriyoodeen mid ka mid ahhoobiyayaasha oo ku dhacay guri ay daganaayeen. Saraakiisha Dowlada ma sheegin cid loo qabtay hoobiyayasha iyo meeshalaga soo tuuray intaba, hase ahaatee arintaan ayaa ku soo beegmeysaxilli shalay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in ay billaabeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

VOA

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM