Hoobiyaal lagu garaacey agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Tiro hoobiyaal ah ayaa waxay ku dhaceen saaka nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, kuwaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Hoobiyaasha oo gaareyay 4 ayaa lagu garaacay Xaafadda Danwadaagta ee degmada Wadajir, oo wax ka yar 200 Mitir u jira Garoonka Diyaaradaha, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay ugu yaraan 1 qof.

Ciidamada NISA ayaa ku guulaystay inay dileen labo kamid ah kuwa weerarka geestay, iyadoo sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Gaariga laga riday Hoobiyaha, oo ah nooca raaxada ee loo yaqaano CARIB-ka.

Gaariga oo ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa daqiiqado kadib qarxay, mana sababin khasaaro.

Afhayeenka mamaulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa u sheegay warfidiyeenka in dagaalyahanada ay rasaas is-waydaarsadeen ciidamada amniga kahor inta aan la toogan.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, oo noqonayo midkiii labaad oo mudo hal Todobaad ah ka fuliyaan nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdishu, oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Weerarkii hore waxaa ku geeriyootay afar ruux oo shacab ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM