Hoos u dhac ku yimid tiradda askarta ku biireysa ciidamada Danab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada xubnaha cusub ee ku biiraya kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo uu Mareykanku tababaro, sidda uu ku waramay bogga Military Times.

Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, oo u waramay mareegaas ayaa xaqiijiyey xaqiiqadda warkaas.

Castellanos ayaa sababta ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay caqabad kala kulantay in ay hesho "askarta ku haboon" in ay ku biiraan guutadaas.

Sababaha kale waxaa kamid ah xukuumada oo bilooyinkii lasoo dhaafay diirada saarin amniga ama dagaalka Al-Shabaab, sidda uu ka dhawaajiyey Miguel Castellanos.

"Waxaan u maleynayaa in hoos u dhaca ay qeyb ka tahay dowlada oo ciidamada aan siin wax dhisme ah," ayuu raaciyey, isagoo u muuqda mid eedeynta ka bari-yeelaya taliskooda.

Kumaandooska Soomaaliya oo la aas-aasey 2013-kii ayaa haatan la aaminsan yahay in tirro ahaan ay gaarayaan sideed boqol illaa iyo saddex kun oo ciidamo ah. Qalabkooda wali lama tirakoobin.

Hadafka ugu weyn ee loo aas-aasey waxaa lagu macneeyay in ay mas'uuliyadda howlgalada gaarka ah kala wareegeen dhigooda Ameerikaanka maadaama ay iyagu kala garanayaan dhulkooda.

Fariisinkooda weyn waa xerada Balidoogle, wallow qaarkood tababaro kala duwan lagu soo siiyo qaar kamida dalalka deriska. Shirka Bangaraaf ayaa maamusha diiwana-gelinta askarta cusub.

Guutada Danab, inkastoo magac ahaan ay hoostagaan Taliska Ciidamada Soomaaliya, hadana waxay amarka ka qaataan saraakiisha Mareykanka. Intaas waxaa wehlisa in ay gunadooda bixiso Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM