Horjooge aad ugu dhowaa amiirka kooxda AS oo lasoo qabtey

Image
Idiris Maxamed Sheekh ayaa waxaa la sheegay inuu ka howlgalayay gobolka Galgaduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen Gobalka Galgaduud ayaa lagu qabtay Idiris Maxamed Sheekh oo la sheegay inuu kamid ahaa Al-Shabaab.

Idiris ayaa lagu waramay inuu ahaa horjoogaha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida u uruuriya lacagaha baadda ah ee ay ugu yeeraan Sakada ee gobalka Galgaduud

Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-sHABAAB ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aanan laga xoreyn Guud ahaan Gobalkaas.

Idiris ayaa sidoo kale ka soo howlgalay gobalada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha Al-Shabaab ee Axmed Diiriye

"Hay’adaha Amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha Khawaarijta ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed," ayuu wariyay TV-ga dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM