"Horjoogeyaal" lagu dilay duqeymo looga jawaabayo qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeymo looga jawaabayo ismiidaamintii Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho ayaa lagu waramay in ay ka dhaceen degaano kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya.

Ku dhowaad 100 ruux oo badankooda shacab ahaa ayaa ku naf-weyday qaraxii Sabtidii, kaasoo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ah ayaa shaaca ka qaadey in duqeyn cirka ah ka oo dhacday gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal sarre kana tirsanaa Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Muqdisho ayaa lagu sheegay weerarka dhanka hawada ay qayb ka ahaayeen Ciidamadda Mareykanka.

"Howlgalka wadajirka ah ayaa laga fuliyey nawaaxiga degaanka Kuunya Barow," ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu xusay in duqeynta ay maanta dhacday.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaanan lagu soo bandhigin magaca horjoogaha la tilmaamay in khaarijiyey.

Fahfaahinta laba duqeyn kale ayaanan wali la helin. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadooyinkan oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Bishaan December 17-keeda ayay ahayd markii duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey degaanka Dujuuma ee gobolka Jubada Dhexe lagu naf-gooyey dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgaladan ayaa kordhinaya in ka badan 50 duqeymo cirka ah oo Mareykanka uu kaliya sanadkan 2019 ka fuliyey goboladda Soomaaliya, waana in ka badan tiradda uu 2018-kii uu qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM