Howlgal dhanka Cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan ‘AS’

Image
Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay 4 ka tirsan 'AS'

Kismaayo, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ku qaadeen fariisin ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay 4 ka tirsan AS, waxaana howlgalkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay, inay ka go’an tahay ka hortagga Kooxda “AS”, iyo la shaqeynta saaxiibada caalamka oo uu ku jiro Mareykanka, si loo gaaro xasillooni ka dhalata Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM