Howlgal lagu xasilinayo Muqdisho oo bilaabanaya iyo Bandow lasoo rogayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Soomaaliya ayaa ic-laamiyay howlgal saf balaaran leh oo lagu xasilinayo Muqdisho oo amnigeeda uu maalmihii u dambeeyay faraha uu kasii baxayay.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], gudoomiyaha gobolka, ayaa u sheegay wariyaasha in natiijada howlgaladaasi ay si maalin leh ah u soo bandhigi doonan laamaha amaanka.

Balse ma uusan cayimin waqtiga uu bilaabanayo howlgalka iyo inta uu qaadan doono.

Duqa magaala madaxda wadanka ku yaalla Geeska Afrika ayaa ka codsaday shacabka in ay muujiyaan dulqaad inta ay socdaan howlgaladaasi, oo uu shaaciyay in caasimada oo idil uu saameynayo.

"Maadaama uu yahay howlgal balaaran, oo guri guri loogu geli doono xaafadaha Muqdisho, shacabka waxaan ka dalbaneynaa in ay muujiyaan dulqaad, ayna la shaqeeyaan hay’addaha amniga," ayuu raaciyay.

Eng Yariisow oo carabka ku adkeeyay in wadooyinka magaalada ay sii xirnan doonan ayaa sheegay in kaliya loo ogolaan doono dadka nugul iyo kuwa xanuunsan oo uu xusay in maamulkiisa gaadiid u diyaairyay.

Isaga oo sii hadlaya ayuu ku tartarsiiyay saxaafadda, oo uu sheegay in mar walba garab taagan tahay dowlada, in aysan buun-buunin dhacdooyinka ay geystaan "kooxaha argagaxisada ah, ee shacabka xasuuqaya."

"Waan idin kaga mahad-celinaynaa doorkiina haatan … balse waxaan idin waydiisan lahayn in aadan buun-buunin falalka niyada u dhisaya argagaxisada," ayuu Gudoomiye Yariisow ku daray hadalkiisa.

Hadalka Duqa magaalada Muqdisho ayaa imaanaya iyadda oo shir deg deg ah la isugu yeeray Gollaha Wasiirada Soomaaliya, kaasi oo qodobada looga hadlay ay ku jireen amniga iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Warar xog ogaal ah oo uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in dowladdu qorsheynayso Bandow lagu soo rogo magaaladda taasoo ujeedkeedu yahay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqyada amni darida keena.

Todobaadkii lasoo dhaafay in ka badan sideed qarax oo ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhimatay ku dhowaad 40 ruux, taasoo toosha ku ifisay fashilka amni ee xukuumadda Xasan Cali Khayre.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM