Howlgal military oo ka billowday gobolka Shabeellaha Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo kaabaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ayaa howlgal military oo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabey gobolka Shabeellaha Hoose.

Col Xuseen Xoosh, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa uu xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ujeedka howlgalka uu yahay sidoo Al-Shabaab laga saaro degaanada wali ay maamusho iyo in dib loo furo wadooyinkii ay go'doomisay.

Howlgalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa tuulooyinka hoostaga degmada Qoryooley, oo qiyaastii 120-KM dhanka waqooyiga galbeed uaga beegan magaalada Muqdisho, halkaaso mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen weeraro Al-Shabaab kusoo qaadeysay.

Degmada Qoryooley ayaa go'doon ku jirtay tan iyo markii ciidamada DF iyo AMISOM la wareegeen  2014-kii, waxaana dadka degan ay sheegeen in ciidamada aan ku lahayn awood badnayn degmada, oo xilliga habeenkii ay qeyb kamid ah Al-Shabaab maamusho.

Howlhalka socda ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay uu sheegay Col. Cali Dhuux oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xooga in ay ku dileen nawaaxiga Qoryooley taliyihii dhanka howlagalada iyo midka sirdoonka ee Shabaab u qaabilsanaa gobolka.

Gobolkan oo sidoo kale oo ka jiro dagaal beeleed, ayaa waxaa la rumeysan yahay in laga soo abaabulo weerarada Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho, maaadaama uu xuduud la leeyahay gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay amniga ay ka dhigeyso ahmiyadda kowaad, iyadoo Madaxweyne Farmaajo dhowr jeer ku dhawaaqay xaalad dagaal iyo howlgal Al-Shabaab dalka looga saarayo, kuwaasoo aan waxba ka fulin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM