Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo hogaan cusub yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa la wareegay taliye cusub, kaasoo lagu soo dhaweeyay magaala madaxda dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika ee Muqdisho.

Diomede Ndegeya, oo Axadii ka degay Muqdisho, ayaa hogaamin doona ciidamadda AMISOM oo kasoo kala jeeda Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Burundi, kuwaas oo dalka jooga in ka badan 10-sano.

Taliyahaan oo aan qariib ku ahayn gudaha Soomaaliya ayaa horey uga qeyb-galay la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

57-sano jirkaan u dhashay Burundi ayaa gudaha Soomaaliya ka howlgayey intii u dhaxeysay 2007 illaa 2009, isagoo ah tababare.

Xilli waaya aragnimadiisa dhanka ciidanka ay tahay 38-sano, dagaaladii Al-Shabaab lagula galay gobolada Baay iyo Bakool sanadkii 2012-kii ayuu qeyb ka ahaan, waxaana ay kasoo hooyeen guulo.

Gudaha waddankiisa, Ndegeya, ayaa soo noqdey lataliye sarre oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca, isagoo ku daabacay majalado badan warbixino ku saabsan howlgaladda nabad-gelyadda qaarada Afrika.

Isbedelkaan ayaa dhacaya xilli qorshuhu yahay in ciidamadda AMISOM ay dhamaadka sanadka dambe isaga baxaan gudaha Soomaaliya, wallow ay jiraan sheegashooyin la xiriira in mudada loo kordhin doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM