Howlgalka UN-ka ee Soomaaliya oo muddo kordhin loo sameeyay

Image

NEW YORK, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qaraar gaarsiinaya muddo xileedka Howlgalka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya illaa iyo bisha August 31-keeda sanadkan 2020.

Sidda ku xusan qaraar tirsigiisu yahay 2527, howlgalka UNSOM ayaa sii waddi doonta in ay dhaqan-geliso waajibaadkeeda ku xusan safka koowaad ee qaraarka 2158 ee soo baxay sanadka markii uu ahaa 2014-kii.

Waajibaadka howlgalka ayaa ah in uu ka taageero dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamuladda dedaalada dib u heshiisiinta, bixinta talooyin la xiriira siyaasadda, nabadda, dowlad dhisida iyo arrimo kale.

Intaas waxaa wehlisa in uu dabagal ku sameeyo xadgudubyadda bini'aadanimo ee ka dhaca waddanka si uu dunida ugu gudbiyo.

Qaraarka ayaa ka dalbanaya xoghayaha guud ee UN-ka in uu joogteeyo warbixinadda la xiriira dhaqan-gelinta waajibaadka UNSOM isla markaana uu kusoo saaro 90 casho kahor dhamaadka muddo xileedka.

Warbixintaas ayaa ku saabsan guulaha ugu waaweyn ee howlgalku gaarey gaar ahaan kuwa quseeyo hadafyadda siyaasadeed.

Bihii Maaj 30-keeda ayay ahayd markii Golaha Ammaanka uu muddo xileedka UNSOM kordhiyey gaarsiiyeyna illaa iyo June 30, 2020.

UNSOM oo la aas-aasay 3-dii June sanadkii 2013-kii isla markaana lagu yagleelay qaraar lamberkiisu yahay 2102 ayaa taageerta dowlada federaalka ah ee Soomaaliya si ay ugu guuleysto waajibaadka loo igmaday ee dowladnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM