Howlwadeen ka tirsanaa WHO oo lagu dilay weerarkii Pearl Beach

Image
Weerarkkan oo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadiisa ayaa billowday wax yar ka hor 8:00 fiidnimo ee Jimcihii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlwadeen ka tirsanaa Hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka dhammaadka asbuucii hore lagu weeraray hoteelka ku yaalla xeebta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu Axaddii sheegay madaxa hay'addan ka tirsan Qaramada Midoobay.

Weerarkaas oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayna geysteen dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa sababtay dhimashada lix qof oo rayid ah iyo dhaawaca 10 kale, sida ay booliisku sheegeen.

"Aad ayaan uga xumahay in aan ku weynay xubin ka tirsan WHO weerarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, Somalia," ayuu Tedros Adhanom Ghebreyesus, agaasimaha guud WHO soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu raaciyey: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo qof kasta oo  waayay qof ay jeclaayeen. Waxaan cambaareyneynaa dhammaan weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha samafalka".

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa in ka badan 15-sano waxa ay wadday dagaallo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya oo uu caalamku taageero, waxaana inta badan ay beegsadaan hoteellada, kuwaas oo u badan in ay martigeliyaan mas’uuliyiin sarsare oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Weerarkii ugu dambeeyay, oo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadiisa, ayaa billowday wax yar ka hor 8:00 fiidnimo ee Jimcihii (1700 GMT) markii 7 dabley ah ay gashay hoteelka Pearl Beach.

Waxaa la soo afjaray abaare 2:00 subaxnimo, sida ay sheegeen booliska, ka dib markii ay israsaasayn xooggan dhexmartay ciidamada ammaanka iyo dableyda, kuwaasoo dhammaantood lagu dilay dagaalka.

Weerarkii ka dhacay xeebta Liido ayaa hoosta ka xarriiqay dhibaatooyinka amni darro ee ka jira dalka ku yaalla Geeska Afrika oo dadaal ugu jira sidii uu uga soo bixi lahaa colaado iyo musiibooyin dabiici ah oo tobannaan sano socday.

Al-Shabaab oo laga saaray degaano iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay ka baxeen ciidamada Midowga Afrika ayaa wali ka talisa dhul badan oo baadiyaha ah, waxaana ay sii wadaan weerarada ka dhanka ah ammaanka iyo goobaha ay rayidka ku badan yihiin halkaas oo khasaaro culus uu uga dhasho si joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM