Hubka oo laga mamnuucay madaarka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho in lala galo hub iyo waliba gaadiidka hubeysan.

Qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayaa sababta loo qaadey talaabadan waxaa lagu sheegay in la tixgelinayo "cabashooyin is-daba-joog ah oo ka yimid maamulka garoonka".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, talaabadan ayaa sidoo kale waxay la xiriirtaa in sarre loo qaado ammaanka madaarka caalamiga ah.

"Waxaa kaliya hub la geli kara ilaaladda madaxda dalka sidda; madaxweynaha JFS, Ra'iisul Wasaaraha XFS, Gudoomiyaha Aqalka Sare [iyo] Gudoomiyaha Golaha Shacabka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Warka qoraalka ah ayaa la raaciyey "mas'uuliyiinta kale waxaa la farayaa in ay ciidamadda la socda iyo hubkooda ku reebaan iridaha hore ee laga galo garoonka sidda; Madiina gate, iyo iridaha kale ee waaweyn".

Go'aankan ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu ku guda jiro mar-xalad kala guur ah isla markaana uu dhexda kaga jiro hubanti la'aan weyn oo la xiriirta in coddeynta ay waqtigeeda ugu dhaceyso si daahfuran.

Dadka qaar ayaa talaabadan waxay ku macnaayeen "go'aan ay dowladda cadaadiska ugu kordhineyso musharaxiinta dooneysa in ay bedelaan" madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed C/laahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM