Hubkii lagu qabtay Caabudwaaq wuxuu u socday AS, Xamza ha is-casilo - Xildhibaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalik Cabdalla, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa sheegay in hubkii ay qabsadeen maalmo kahor Shacabka degmada Caabudwaaq uu kusii jeeday AS, isagoo xusay in lagu layn lahaa Macwiislayda iyo Askarta dowladda ee jiidaha hore ee dagaalka ku sugan.

Wuxuu Xildhibaanka uga mahadceliyay shacabka Caabudwaaq qabashadda Hubkaas, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Xamza fashil dhinac walba ah, waxaana uu ugu baaqey inay is-casilaad sameyso, maadaama hanan waysay waajibaadkii loo dhaariyay.

"Xukuumaddan waa dhimatay, waxaan ka codsanaynaa inay is-casisho, kahor inta aysan shacabka ku kicin, oo aysan samaynin banaanbax lamid ah midka ka socday Kenya, iyagoo ka caraysan canshuuraha cusub," ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri Xildhibaanka: Meesha dhibaatada ka jirta hadda waa Xukuumadda, waa inay shacabka kahor wareegto, canshuur sharci darro ah ayaa la rabaa in dadka lagu dhaco, ma doonayno in baarlamaanka xoog lagu soo galo, oo la gubo.

Xildhibaan Maalik oo horey qeyb wayn uga ahaa howlgalladii Ciidan ee ka dhacay Hiiraan, oo wax ku lahaa abaabulka Macwiislayda, ayaa hadda dhinaca mucaaradka ku biiray, isagoo eedeymo culus u jeedinaya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa hadda soo wajahaya culeysyo badan, oo ay kamid yihiin fashilka dagaalka AS iyo Canshuuraha cusub ee dadku diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM