ICJ oo diidey dalabkii Kenya ee dacwadda Badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa ku gacanseyrtay dalabkii Kenya ee ku aadanaa in markii afaraad dib loo dhigo dacwadda badda ee kala dhaxeysa dalka Soomaaliya.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xeer-beegtadan hoostagta Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, darafyadda waa in ay soo xaadiraan dood-afeedka loo balansan yahay 15-ka Maaj illaa 19-ka isla bishaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey oo todobaadkii hore si adag uga hor-timid codsiga xukuumadda Nairobi ayaa soo dhaweysay go'aanka maxkamada.

Sii-haayaha Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo ku hadlay afka xukuumadda dhacdey, ayaa rajeeyay in dalka uu "xaq iyo cadaalad ku helo" labinta iyo guud ahaan "doodeena".

Xilli uu xusay in Soomaaliya "ay ku kalsoon tahay dhexdhexaadnimadda Maxkamadda Cadaaladda Aduunka," Mahdi ayaa ka codsaday shacabka "in ay noosoo duceeyaan in aan ku guuleysano dacwada".

"Waxaan leeyahay dhamaanteen haddaan nahay Soomaali guul baa inoo rajeynayaa, waanu ku han-weynahay Insha Allaahu in cadaalad xaq ay ku dhamaan doonto dacwadda," ayuu kusoo afmeeray hadalka.

Dowladda Kenya ayaan wali ka falcelin go'aanka Maxkamadda ICJ oo soo baxay shalay oo Jimco ahayd isla markaana Sabtida maanta ah si rasmi ah loogu wargeliyey dhinacyada ay khuseysa ee labada waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM