ICJ oo muddeysay xiligga ay dhageysaneyso dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa muddeysay in ay dhageysan doonto kiiska badda inta u dhaxeysa 8-da illaa iyo 12-ka bisha June ee sanadka 2020-ka.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa wuxuu xaqiijiyey warkan.

Soomaaliya ayaa horey ugu adkeystay in gal-dacwadeedkan la qabto 4-ta illaa iyo 8-da bisha November kadib codsi ka yimid Kenya oo ku aadan in hal sano dib loo dhigo.

"Kani waa go’aanka ugu dambeeya," ayuu yiri Khadar, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha magaaladda Muqdisho.

Balse, ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga ayaa mar kale ogolaatay codsiga Kenya, inkasta oo aysan wada waafuqin guud ahaan dalabka.

Kolkii hore wuxuu qorsuhu ahaa in la dhageysto 4-ta December, balse waxaa baajiyey markii ay Kenya dalbatay in la siiyo waqti ay kusoo qorato qareeno difaaca doodeeda.

Xukuumadda Nairobi oo soo jeedisay in wada hadal lagu dhameeyo kiiskan ayaa horey waxay u codsatay in dhageysiga galkan dib loo dhigo muddo ku suntay hal sano, taasoo laga diidey.

Gal-dacwadeedkan oo soo bilowday bishii August ee 2014-kii ayaa ku saabsan goob ku taala xadka labadda dal halkaas oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraad sida Shidaalka iyo Gaaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM