ICJ oo muddeysay xiritaanka kiiska badda ee Soomaaliya-Kenya

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo fahfaahin ka bixisay qaabka ay u qabsoomeyso dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa shaacisay goorta ay sida rasmi ah u xirmeyso.

War qoraal ah oo ay Arbacada maanta ah soo saartay ICJ kaasi oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in ay soo idlaan doonto 8-da bisha November ee 2019-ka.

Labadda dal ee kiiskan isku haya ayaa waxay heli doonan min afar maalmood oo ay doodooda ku difaacan doonan taasi oo ah inta u dhaxeysa Isniin 4-ta illaa iyo Jimce 8-da November ee sanadkan.

Gurriga Nabadda, oo ah dhismaha xeer-beegtadan hoostagta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, kuna yaala magaaladda The Hague ee waddanka Holland, ayuu fadhiga maxkamada ka qabsoomayaa.

Todobaadkii hore ayaa dib loo muddeeyay gar-maqalkan ka gedaal codsi ka yimid Kenya oo ku aadan in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay ku qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda.

Dhageysigii koowaad ayaa loo madal-sanaa 9-ka September. Xukuumadda Muqdisho waxay ku adkeysatay waqtigaas, inkasta oo aysan waxba ka oran go’aanka dib u dhigista ee ICJ.

Kenya ayaa haatan haysata muddo 50 maalmood ah si ay u hesho kooxdeeda cusub ee sharciga, maadaama ay eriday kuwii hore, wallow aan fahfaahin laga bixin sababta.

Sikastaba, kadib dhageysigan ma jiri doonan fadhiyo kale, waxaana maxkamadda laga dhowr-sugayaa go’aanka ugu dambeeya kaasi oo la tilmaamayo in uu qaadan karo muddo laba isbuuc ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM