ICJ oo muddeysay xiritaanka kiiska badda ee Soomaaliya-Kenya

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo fahfaahin ka bixisay qaabka ay u qabsoomeyso dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa shaacisay goorta ay sida rasmi ah u xirmeyso.

War qoraal ah oo ay Arbacada maanta ah soo saartay ICJ kaasi oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in ay soo idlaan doonto 8-da bisha November ee 2019-ka.

Labadda dal ee kiiskan isku haya ayaa waxay heli doonan min afar maalmood oo ay doodooda ku difaacan doonan taasi oo ah inta u dhaxeysa Isniin 4-ta illaa iyo Jimce 8-da November ee sanadkan.

Gurriga Nabadda, oo ah dhismaha xeer-beegtadan hoostagta Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, kuna yaala magaaladda The Hague ee waddanka Holland, ayuu fadhiga maxkamada ka qabsoomayaa.

Todobaadkii hore ayaa dib loo muddeeyay gar-maqalkan ka gedaal codsi ka yimid Kenya oo ku aadan in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay ku qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda.

Dhageysigii koowaad ayaa loo madal-sanaa 9-ka September. Xukuumadda Muqdisho waxay ku adkeysatay waqtigaas, inkasta oo aysan waxba ka oran go’aanka dib u dhigista ee ICJ.

Kenya ayaa haatan haysata muddo 50 maalmood ah si ay u hesho kooxdeeda cusub ee sharciga, maadaama ay eriday kuwii hore, wallow aan fahfaahin laga bixin sababta.

Sikastaba, kadib dhageysigan ma jiri doonan fadhiyo kale, waxaana maxkamadda laga dhowr-sugayaa go’aanka ugu dambeeya kaasi oo la tilmaamayo in uu qaadan karo muddo laba isbuuc ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM