ICJ oo ogolaatey dalabka Kenya dibna u dhigtay dhageysiga kiiska badda

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadalaadda Aduunka [ICJ] ayaa si rasmi ah waxay ogolaatey dalabka ka yimid Kenya ee ku aadan dib u dhigida dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Saciid Cali Fiqi, ayaa shaaciyey in ICJ ay hakisay dhageysiga gal-dacwadeedkaasi muddo laba bilood, taasi oo ka dhigan in ay bilaabaneyso November.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay horey u codsatay in kiiskan dhageysigiisa dib loo dhigo muddo 12-bilood ah si ay isugu soo diyaariso una soo qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda.

Balse dhigeeda Muqdisho oo ka hor-timid ayaa waxay ku tilmaamtay "waqti lumis, talaabo dhaawaceysa nidaamka garsoorka iyo wax aanan loo sameyn karin cudur daar".

Lama yaqaano waxay noqon doonto fal-celinta ay Soomaaliya ka bixin doonto go'aanka ICJ, maadaama ay horey ugu adkeysatay in la joogo waqtigii la dhageysan lahaa kiiskan.

Galkan oo soo taagnaa tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa wuxuu ku saabsan yahay goob badkeeda lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah kheyraad.

Goobtaasi oo ay ku jiraan Shidaal iyo Gaas ayey Soomaaliya dooneysaa in jiidinta lala simo xuduudka dhulka, halka Kenya ay raadineyso in laga soo weeciyo dhankaasi lana geeyo dhinaceeda.

Xiisad diblumaasiyadeed oo marba marka xigta sii karaar-qaadaneysay ayaa ka dhalatay kiiskan, kaasi oo soo jiitamayey shantii sano ee lasoo dhaafay, soona gaarey heer gaba gabo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM