Idaacadda Al-Shabaab oo Duqeyn cirka ah lagu burburiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Duqeyn dhanka cirka ay xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen degmada Jilib, oo ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay war ku saabsan in duqeynta lagu burburiyay xarun ay Jilib ku lahayd Idaacadda afka Al-Shabaab ku hadasha ee Andalus, taasoo laga dhageysto goobaha kooxda ay gacanta ku hayso ee Koonfurta Soomaaliya.

Shaqaalihii ku sugnaa dhisamaha Idaacadda Andalus ayay Wakaaladda Wararka dowladda Federaalka sheegtay inay ku dhinteen weerarka, inkastoo aysan baahin magacyadooda.

Lama oga dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta geystay, balse waxaa xusida mudan in Mareykanka looga bartay weerarada noocan ah ee ka dhaca dalka, iyadoo sidoo kale militeriga Kenya ay mararka qaar Al-Shabaab ku weeraraan diyaarado.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin warka ku saabsan duqeynta Jilib iyo burburinta Idaacadda Andalus, oo markeedii hore laga raray magaalooyin badan markii Kooxda lagala wareegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM