IGAD oo laga dalbaday in kulan ka yeelato xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaalle ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha dalalka IGAD inay Kulan ka yeeshaan Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka codsaday Ururka IGAD inay qabtana Shir deg deg ah oo lagu xalinayo Khilaafka sii daba dheeranaya ee u dhaxeeya Gollaha Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Aden Barre in hadii aan si dhaqso ah wax looga qaban, oo fareglin lagu sameynin Xiisadda hadda k ataagan Soomaaliya ay dhaawacayso guulaha dhanka amniga iyo xasiloonida ay sameysay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Aadan oo laga soo doorto degmada Gaarisa, ee waqooyiga bari ee Kenya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka u dhaxeeya Hay'adaha sharci dejinta iyo fulinta dowladda kaasi oo noqday mid daba dheeraaday oo halis gelinaya hor-usocodka Soomaaliya.

IGAD iyo wadamada kale ee Beesha caalamka ayaa dhawaan walaac ka muujisay is-mariwaagga madaxda Soomaaliya, waxayna ku baaqday in mashaakilka taagan lagu dhameeyo qaab waafaqsan dastuurka qabyo qoraalka ah ee u leeyahay dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM