Dacwad ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya oo laga shirayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Urur Goboleedka IGAD ayaa 20-ka bishaan shir ku yeelanaya dalka Jabuuti, si ay Madaxda uga wadahadlaan dacwad ka dhan ah Kenya, oo dowladda Federaalka Soomaaliya u gubisay.

"Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa #Jabuuti 20 December," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay.

Laguma sheegin qoraalka Wasaaradda waxa ay DF ka ashtakoonayso, balse waxay kusoo aadaysaa xili xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu maraya meeshii ugu hooseysay oo uu jira khilaaf diblomaasiyasadeed.

Waxay sidoo kale dacwadda kusoo beegmaysaa xili Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho ku joogo dalka Kenya, isagoo lagu wado inuu la kulmo Uhuru Kenyatta maanta, waxaana ay yeelan doonaan wadahadallo ay xiriirka labada dhinac.

Kenya ayaa xafiiska ka furayay dhawaan Hargeysa iyadoo aan ogolaansho ka haysan DF, waxay sidoo kale Nairobi u ogolaatay inuu Maamulka Somaliland xafiis ka furto, oo sidii safaarad u shaqeeya.

Tallaabada ayaa waxay DF u aragtaa mid Kenya ku dhaawacaysa madaxbanaaninada iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo dhawaan Muqdisho laga soo eryay Safiirka Kenya Lucas Tumbo.

DF ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeeda Nairobi si wadatashi ula yeelato, waxaana qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya dhawaan lagu sheegay inay Kenya faragelin ku hayso doorashooyinka dalka.

Nairobi ayaa beenisay eedeymaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM