IGAD oo Waare u magacaawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee ururka

Image
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa dhawaan xil laga qaaday.

JABUUTI (GO) - Urur Gobolleedka IGAD ayaa u magacaabey Maxamed Cabdi Waare Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee ururka, ka dib kulan ay Hogaamiyayaasha Urur Goboleedka IGAD maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay magacaabistan ayaa ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka ayaa yiri: “Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka”

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa dhawaan laga qaaday xilka ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM