Iib-geynta iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya oo "qad cas" loo asteeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli ay hal bil oo qura ka harsan tahay waqtiga loo muddeeyay in uu bilowdo tartanka loo galayo soo saaritaanka shidaalka Soomaaliya, kahor waxaa loo xariiqay "qad cas oo lama dhaafaan ah".

Qadkaas lama dhaafaanka ah waxaa ku adkeystay qaar kamid ah maamuladda iyo xisbiyadda mucaaradka oo daneeyeyaasha uga digay in ay ku deg-degaan, iyagoo cuskanaya in uusan jirin habraac sharci oo loo maro.

Bisha August ee sanadkan 2020 ayaa loo qorsheeyay in uu furmo tartanka, iyaddoo uu socon doono illaa iyo Maaj ee isla xagaagan.

Todoba xirmo shidaaloo ku kala yaala; Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo HirShabelle ayaa laga kala baari doono shidaalka.

Hase ahaatee, xukuumadda ayaa talaabadaan qaadeysa xilli uusan jirin is-afgarad ay qadiyadan masiiriga ah ay ka gaaraan saamileyda.

Dowladda Puntland oo xustay in aysan qayb ka noqon karin geedi u socodkan sabab ku aadan in aan laga talogelin sharciga batroolka iyo nidaamka ayaa codsatay in la joojiyo, balse lama dhageysan.

Maamul goboleedka oo tibaaxay in sharciga batroolka ay ku jiraan qodobo halis ah ayaa shirkadaha caalamka iyo dowladaha xiiseynaya soo saaritaanka shidaalka Soomaaliya ku waaniyey in aysan lacagtooda gelin.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo xoojisay "qadka casaanka ah" ee ku aadan in lasoo saari kari shidaalka iyaddoo aan heshiis mideysan la helin ayaa si lamid ah ku doodey in aan la joogin waqtigii munaasabka ahayd.

War-saxaafadeed ayay ku caddeeyeen in muddo xileedka dowladda gabaabsi yahay loona baahan yahay in dib loo dhigo barnaamijkan.

"Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho, waxaa halis ah in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashadda taagan," ayaa lagu yiri qoraalka uu arkay Garowe Online.

Bayaanka ayaa farta ku fiiqay in aan wali la aas-aasin Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed oo fulin lahayd howlaha la xiriira shidaalka iyo baarlamaanka oo aan ansixin Heshiiska Wadaaga Kheyraadka dalka.

"Sidaas darteeda, madashu waxay uga digeysaa dowladda federaalka Soomaaliya, shirkadaha iyo dowladdaha ku lugta leh ama xiiseynaya soo saaritaanka Shidaalka Soomaaliya in aysan ku deg-degin gelida heshiis gadashada Xirmooyinka shidaal waqtigaan kala guurka ah isla markaana aysan dhisneyn hay'addihii sharcigu tilmaamayey in ay maamulaan howlaha shidaalka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah oo Talaada maanta ah soo baxay.

Doorashooyinka Soomaaliya ee qorshuhu yahay in ay dhacaan 2020-21 balse aan wali heshiis laga gaarin qaabkii lagu aadi lahaa maadaama loo balansanaa qof iyo cod ayaa kamid ah qadiyadaha xalka u baahan kahor shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM