Ilaalada Madaxtooyadda oo "u gacan-qaadey" xubnihii ku ooriyey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ilaaladda Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay handadaad iyo gacan-qaad ku sameeyay Xildhibaanadii ku ooriyey madaxweynaha intii uu lagu guda jiray xafladii furitaanka kalfadhiga baarlamaanka.

Xasan Cabdi Ismaaciil, oo kamid ahaa mudaneyaasha ku mudaaharaaday khudbadda madaxweynaha, ayaa ku dooday in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iska indha-tiray xaaladda dhabta ah ee waddanka jirta.

Sharci-dejiyaha oo u waramay BBC-da ayaa meesha ka saarey in falka ay ku kaceen uu yahay "fowdo" isla markaana xeer-hoosaadka xeer-dejinta waddanka uu u ogolaanayo in ay dareenkooda ku muujiyaan qaabkaas.

Xasuuqii Gololey, Dacwadda badda si lamid ah Khilaafka dowladda iyo maamuladda ayuu ku sifeeyay qodobadda ay ahayd in uu madaxweynaha kusoo hadal-qaado khudbadiisa, arrintaas oo uu xusay in aysan dhicin.

Xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadda Koofiya Casta iyo kuwa Dhar-cadda ee Madaxtooyadda Qaranka ay gudaha u soo galeen xarunta Villa Hargeysa ee baarlamaanka markii ay madaxweynaha ku ooriyeen.

"Annaga gacan-qaad horta ma sameynin. Baarlamaanka in uu buuqo xaq dastuuri weye wuu buuqi karaa, su'aallana wuu waydiin karaa, siyaabo badan buu wax u gudbin karaa xeer-hoosaad buu baarlamaanka leeyahay, wax fowda ah oo la sameeyay ma jirto, iyagaa damcay in ay fowdo sameeyaan. [ilaalada madaxweynaha] ayaa damcay in ay gacmaha lasoo galaan Xildhibaanadda oo ay handadaan oo [ilaaladda] madaxtooyadda ay handadaad iyo waxaas ula yimaadaan Xildhibaanadda," ayuu ku yiri wareysiga.

Mar la waydiiyey sababta ay fursad u siin waayeen madaxweynaha maadaama ay dhici kartay in uu qaybaha dambe kusoo qaato arrimahaas ayuu ku jawaabay "waanu haynay xogta ah in uusan ka hadleyn, wayna dhacday".

Mudaneyaashii isku dayey in ay carqaladeeyaan khudbadda madaxweynaha ayaa ku luuqeeyay Heesta wadaniga ah ee "Soomaaliyey toosoo, toosoo isku tiirsadayey" kahor inta aysan xusuusin uu waqtiga ka dhamaadey.

"Laakiin, Xildhibaanadda waxay ka hadleen oo ay muujiyeen dareenkooda in uu la hadlo oo uu qanciyo xaq buu u lahaa oo uu dhaho arrimahaas waan ka hadlayaa halii sugo, laakiin ma uusan dhihin security baa lagu soo fasaxay baarlamaanka; ciidamadda koofi casta oo sharci darro ah oo aan xaq u lahayn in ay soo galaan Villa Hargeysa; Villa Hargeysa waxaa soo geli kara kaliya ciidanka baarlamaanku leeyahay, ciidanka Madaxtooyadda masoo geli karaan, horta taasaa sharci darro ah; ciidanka madaxtooyadda iyo dhar-cadka in ay faraha lasoo galaan Xildhibaanadda meelna uga dhacaan xasaanadooda," ayuu tibaaxay.

Isagoo u muuqda mid ka jawaabay hadal kasoo yeeray Farmaajo oo ahaa in "xubnaha buuqa sameeyay" ay ahaayeen laba xubnood, Xasan ayaa qeexay in ay ka koobnaayeen tirro badan oo kala metela maamulada waddanka.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaanan wali ka jawaabin eedeynta kaga timid mudaneyaasha uu kamid yahay Xasan Cabdi Ismaaciil.

Kalfadhiga maanta furmay ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo ah midka ugu dambeeya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre waxaa qorshuhu ahaa in la furo 27-da May, balse waxaa loo baajiyey sababo aan la fahfaahin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM