Ilhaan Cumar oo cafis u dalabtey nin kashifay sir la xiriirta Soomaaliya

Image
Macluumaadkan qarsoodiga ah ayaa ku saabsanaa waxyeeladda shacabka ee duqeymaha diyaaradaha drones-ka.

WASHINGTON, USA - Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ugu baaqday maamulka Biden in uu cafis u fidiyo Daniel Hale, oo hore u ahaa falanqeeye militari, kaas oo faafiyay dukumentiyo kashifay sidda ciidamadda Ameerika ay shacabka ugu laayaan duqeymaha ay ka geystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

"Daniel cidna khatar kuma ahan, waxa uu qaatay mas'uuliyadda ficiladda uu sameeyay, waxa uu shaqo qaran u qabtey qarankiisa," ayay Ilhaan ka sheegtey shir jaraa'id oo ku dhacay qaab online ah.

Ilhaan ayaa ku dartey: "Arrinta Daniel waxay ka turjumaysaa awoodda cafiska. Waa qalad in la faafiyo macluumaadka qarsoodiga ah. Laakiin waxa Daniel sameeyey waxa ay ahayd geesinimo".

Shirka jaraa'id waxaa soo qaban-qaabiyey Shabakadda Taageerada Daniel Hale oo ah urur ay ku midaysan yihiin hay'addo iyo saaxiibada Hale oo ka shaqaynaya sidii loo sii deyn lahaa.

Ilhaan ayaa baaq kan lamid ah soo saartey bishii Ogosto 2021, iyadda oo warqad ay u dirtey Aqalka Cad ku tiri: "Daniel wuxuu iftiimiyey dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn wuxuuna ogeysiiyey dadweynaha waxyaabo ay tahay in khaladaad ka jiraan oo la saxo".

Sannadkii hore, Daniel waxa lagu xukumay 45 bilood oo xadhig ah ka dib markii uu qirtay hal dacwad oo kamid ah shan eedeym oo la xiriira faafinta dukumentiyo dowladeed oo xasaasi ah.

Dukumiintiyada ayaa ka koobnaa sirta howlgalada Drones-ka Maraykanka, oo ay ku jiraan inta jeer ee rayidka lagu dilay duqaymaha Yemen, Pakistan. Afgaanistaan ​​iyo Soomaaliya.

Xukunkiisa oo si weyn isha loogu hayey ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta Mareykanka, waxaa loo cuksadey sharciga basaaska ee soo baxay sanadka markii uu ahaa 1917.

Daniel ayaa qeyb ka ahaa ciidamada Maraykanka muddo xileedkii koowaad ee Barrack Obama xilligaas oo ay kordheen isticmaalka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

563 duqeymo oo inta badan ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu bartilmaameedsaday Pakistan, Soomaaliya iyo Yemen 8-dii sano ee uu Barack Obama xilka hayay, halka 57 duqeymo ay ka dhaceen intii uu xilka hayay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee George W Bush, sida uu sheegay xafiiska saxafiyiinta dambi baarista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM