Ilhaan Cumar oo digniin kasoo saartey khatar kusoo wajahan Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Waaxda Socdaalka waddanka Mareykanka ayaa Soomaaliya u soo tarxiileysa tobanaan u badan da'yar kuwaasoo isugu jira qaar sharciga loo diiday, kuwa dambiyo galay iyo kuwa aan la ogeyn waxa lagu haysto.

Dhamaan shaqsiyaadkan ayaa kasoo jeeda gobolka Minnesota. Xaqiiqada jirtaa waxay tahay in badankooda ay la nool yihiin caabuqa faafa ee Covid-19.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ogolaatay musaafurinta muwaadiniintan isla markaana ay dib u dejin u sameyn doonto.

Waalidiintooda ayaa go'aanka soo celinta caruurtooda waxay ku qeexeen "mid qaracan leh" iyagoo xusay in ay dedaal walba u bixiyeen sidii ay uga badbaadi lahaayeen musaafuriskan ka dhigan in aysan haysan fursad kale.

Ilhaan Cumar, mudanaha Aqalka Sare ee gobolka Minnesota, ayaa digniin kasoo saartey musaafurinta shaqsiyaadkan qaba Coronavirus, iyagoo hoosta ka xariiqdey in talaabadan ay tahay mid khatar ku ah badqabka Soomaaliya.

"Waaxda Socdaalka waxay Soomaaliya u musaafurineysaa tobanaan shaqsi oo kasoo jeeda gobolkeyga, arrintaas oo ah khatar faafin karta Covid-19," ayay ku tiri qoraal ay Twitter-ka kusoo qortay 12-ka bishaan September.

Xilli ay u muuqatay mid meel dheer wax ka eegeysa, ayay ku dartey "Ficilada Waaxda Socdaalka kaliya khatar ma gelinayaan shaqsiyaadkan, balse waxay cawaaqib xalkeedu daba-dheeraan karo u horseedayaan Soomaaliya".

Mareykanka ayaa xaqiijiyey kiisas Coronavirus ah oo ka badan todoba milyan, halka dhimashadda ay mareyso 196 kun; Soomaaliya waxaa laga diiwaan-geliyey ku dhowaad 4 kun kiis, iyo geeri ku dhow 100, inkasta oo shaki la geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM