Mareykanka oo cafiyey deyn uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa waxay bogaadisay dedaaladda haatan socda ee deyn cafinta Soomaaliya.

Sidda laga sigtay bayaanka, Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa cafiyey miisaaniyad ay ku jirto deyn cafinta Soomaaliya. Tani ayaa guul u ah xukuumadda Muqdisho.

Qoraalka ayay ku sheegtay in deyn cafinta aysan kaliya faa'iido igu jirin Soomaalida dalka ku nool, balse ay ahmiyad u leedahay qurbe-joogta.

Faa'iidooyinka waxaa kamid ah in waddanka uu qaadan karo deyn cusub, hadii laga dhaafo qaanta lagu leeyahay, kobac dhaqaale, maalgelin iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa gaareysa aduun lacageed dhan in ka badan shan bilyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Bangiga Caalamka ayaa xukuumadda federaalka ah hordhigay shuruudo dhowr ah oo ay sheegeen in looga deynta cafin karo.

Shuruudaha ayaa waxaa kamid ah; mideynta canshuuraha gudaha laga uruuriyo, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dib-u-habeyn lagu sameeyo hanaanka maaliyadda.

"Wax badan oo ay waajib tahay in la sameeyo ayaa harsan; xoojinta dimuqraadiyadda, xuquuqul insaanka, xiriirka Villa Soomaaliya, maamuladda iyo dadka. Mareykanka door buu ka cayaari karaa," ayay tiri.

Ugu dambeyntii, Ilhaan Cumar ayaa waxay ku nuux-nuux satay in ay sii wadi doonto ka shaqeynta dalka "Soomaaliya oo dimuqraadi, xor iyo nabad ah, taasoo dhamaanteena aanu dooneyno in aan aragno".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM