Ilmo yar oo kamid ah dad wax ku noqdey qarax ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ugu yaraan laba qof ayaa lagu waramay in ay ku dhimatay, afar kalana ay ku dhaawacmeen bam gacmeed lagu weeraray mehrad ku taala xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in weerarkaan oo dhacay abaare 7-dii fiidnimo xalay dadka ku dhaawacmay uu kamid yahay cunug yar oo xaaladiisa laga dayrinayo.

"Dhamaan bukaanadda dhaawaca ah waxaa loo daabulay xarumaha caafimaadka si loo daaweeyo," ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Ciidamadda ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa tibaaxay in ay gacanta kusoo dhigeen la tuhunsaneyaal badan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse dhacdooyinka noocaan ah waxaa geysta Al-Shabaab.

Inkasta oo laamaha amnig ay sheegeen in ay ku dedaalayaan ka hortagga falalkaas, qaraxyadda lagu beegsado xarumaha ganacsiga ayaa ku badan gudaha caasimadda ku meelgaarka ah ee Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa lacago baad ah ka qaada ganacsatada si ay ugu adeegsato howlgaladeeda, waana mid kamid ah ilaha ay dakhliga ka hesho. Cidii diida waxay ugu hanjabaan dil, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM