Imaamka Al-Azhar oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya & maamulka Somaliland

Image
Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb ayaa ka aqbalay Madaxweynaha casuumadda.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Imaamka Al-Azhar Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb, ka dib booqasho uu ku tagay xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Imaamka Al-Azhar ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Kooxda “AS”, wuxuuna ka warreystay xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Madaxweynaha oo ayaa yiri: “Waxaa dowladda Soomaaliya ka go'an in la sii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada”, isaga oo ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo aqbalay casuumadda, ayaa si adag uga hadlay heshiis beenaadkii ay Dowladda Itoobiya la geshay maamulka Somaliland.

El-Tayeb ayaa si adag u cambaareeyey faragelinta ay Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM