Imaamka Al-Azhar oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya & maamulka Somaliland

Image
Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb ayaa ka aqbalay Madaxweynaha casuumadda.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Imaamka Al-Azhar Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb, ka dib booqasho uu ku tagay xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Imaamka Al-Azhar ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Kooxda “AS”, wuxuuna ka warreystay xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Madaxweynaha oo ayaa yiri: “Waxaa dowladda Soomaaliya ka go'an in la sii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada”, isaga oo ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo aqbalay casuumadda, ayaa si adag uga hadlay heshiis beenaadkii ay Dowladda Itoobiya la geshay maamulka Somaliland.

El-Tayeb ayaa si adag u cambaareeyey faragelinta ay Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM