Imaaraadka Carabta oo ka hadlay weerarkii suuqa Bakaaraha

Image
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Carabta ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey fal-dambiyeedkan.

ABU DHABI, UAE - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lala beegsaday Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadku uu si weyn u cambaareynayo "falkan dambiyada ah iyo dhamaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida sharciga caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo ehellada dadkii ku dhintay fal-dambiyeedkaas foosha xun, iyadoo sidoo kale u rajeysay dhammaan kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM