Imaaraadka iyo QM oo kawada hadlay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya

Image

ABU DUBAI, UAE – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa Mareykanka wuxuu kula kulmay wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka.

James Swan iyo Anwar Gargash ayaa shirkooda wuxuu qayb ka ahaa kulan-doceedyadda fadhiga loo dhan yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, sida lagu qoray warbaahinta dowladda Imaaraadka.

Shirkaas oo 24-kii September sanadkan 2019 ka furmay New York ayaa waxaa ka qeybgalay in ka badan 100 hogaamiye oo uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay Emirates News Agency, Swan iyo Anwar ayaa waxay kawada hadleen amniga iyo xasiloonida dalka dhaca Geeska Afrika.

"Gargash ayaa hoosta ka xariiqay taageeradda uu Imaaraadka u hayo muddo xileedka howlgalka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta lagu daabacay wakaaladda.

Swan, diblumaasi reer Mareykan ah, ayaa ergayga UN-ka loosoo magacaabay bishii May ee sanadkan, isaga oo bedelay Haysom oo xukuumada Muqdisho u eriday "xadgudub ka dhan ah midnimada dalka".

Imaaraadka ayaa safka hore kaga jira wadamada ugu firfircoon ee doorka ku leh geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya, wallow xiriirka waqti xaadirkan kala dhaxeeya Villa Soomaaliya uusan meel sarre ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM