Imaaraadka: Ma dooneyno in aan iska hor-imaano Soomaaliya

Image

ABU DHABI, UAE – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si cad waxay meesha kaga saartay in ay xusul-duub ugu jirto "iska hor-imaad" ay la gasho xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Anwar Gargash, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay "in ay furan tahay fursad ay labadda dal ku wanaajin karaan xiriirka ka dhaxeeya".

“Xaaladdan waa mid u baahan diblomaasiyad, taasi oo nagu jiheyn karta xal siyaasadeed oo caqli gal ah, nabad ah, lana joogteyn karo,” ayuu u sheegay jaraa’idka Carbeed ee HAN.

Cilaaqaadka labadda dowladood ayaa hooseeyay tan iyo bishii April ee 2018-kii, kadib markii ciidamadda Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabteen 10 milyan oo Dollar.

Lacagtaas ayaa safiirka Imaraadka Carabta u fadhiya magaaladda Muqdisho ku sheegay inay aheyd mushaharaad la siinayo ciidamada Soomaaliya kuwooda dowladda Imaraadka tageeri jirtey.

Xukuumada Muqdisho "kuma qancin sharaxaadaas", taasoo keentay in Imaaraadka dalka kala baxo tababareyaashii saldhiga Jeneraal Gordan, uuna yareeyo joogitaankiisa diblumaasiyadeed.

Dhacdadaas ayaa kusoo beegantay iyadda oo ay jirto khilaafka Khaliijka oo ka dhashay markii wadamo uu Sacuudiga horkacayo go'doomin kusoo rogeen Qadar oo lala xiriiriyey argagixiso.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadaas, balse, waxaa lagu eedeeyay in ay la safatay Qadar. Dowladda madaxwene Farmaajo ayaa aad ugu dhow xukuumadDa Dooxa.

Hadalka Gargash ayaa yimid xili ay Muqdisho ku kulmeen safiirka Imaaraadka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Is-aragga wuxuu muujiyey isu soo dhowaanshiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM