Imaaraadka oo Markab Gargaar sida gaarsiiyay Kismaayo [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Markab laga leeyahay dalka Imaraaadka Carabta oo ay saarnaayeen Raashiin gargaar ah ayaa wuxuu kusoo xirtay dekadda Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamul Jubbaland.

Markabkaan waxaa saarnaa 824-tan oo Raashiin gar-gaar ah, kuwaasoo isugu jira noocyadda kala duwan ee cunadda muhiimka ah Bani'aadamka, waxaana soo dhaweeyay madax maamulka ka tirsan.

Waxaa markabkaan gargaar oo ay wakiil ka ahayd Hay'adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, ayaa waxaa soo diray madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta, waxaaan ujeedku yahay in loogu gargaaryo dadka ubaahan.

Masuuliyiinta Jubbaland ee Hay'adda kala wareegay Deeqdan Imaaraadka uga timid ayaa ka mahad-celiyay, iyagoona sheegay in Imaaraadka yahay mid si dhow uga war-qaba xaalada umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madax ka socotay dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay goobjoog ahaayeen madasha Shixnadaan Raashiinka ah loogu wareejinayay Jubbaland, kuwaasoo iyaga bogaadiyay.

Waxay intaas ku dareen inay rajeynayaa inay kawada faa'ideysteen Shixnadaan dadka si wayn ugu baahan oo ah Barakacyaasha ku nool xoreeyinka ku yaala Magaalada Kismaayo iyo hereeraheeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Fatahaadaha uu sameeyay Wabiga Jubba ay waxyeelo kasoo gaartay Qoysas badan, waxaana la filayaa in dadkaas ay deeqdaan gaari doonto, iyagoo looga fadhiyay madaxda Jubbaland inay si cadaalad ah u qeybiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM